Hay’adda naafada qaranka soomaaliyeed ayaa maanta magaalada muqdisho ku qabatay xuska sanadlaha ah ee maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah. Wafuudii kulanka kasoo qaybgashay waxaa hormuud u ahaa raisul wasaaraha xukuumada Somalia Xamze Cabdi Barre, wasiirada haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadijo Mohamed Diiriye, taliye kuxigeenka booliiska somaaliyeed Sakiya Xuseen , saafaaradaha shiinaha, Ingiriiska, Mareykanka, Ururada bulshada naafada ah qaybahooda kala duwan iyo sidoo kale hay’adaha bahwadaagta la ah.
Waxaa halkaas looga hadlay sidii loo hormarin lahaa naafada soomaaliyed sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda shaqo iyo mida wax barasho.