Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdul Jaamac ( Dhagaweyne) ayaa maanta ka qayb galay Xaflad qalin jabin ah oo ay hotel Maida ku qabatay Xarunta Naafada Sanca ee magaalada Mogadishu. Xafladan oo ay ku qaĺinjabiyeen arday naafo ah oo soo dhamaystay tababaro ay ku soo barteen xirfado kala duwan, sida harqaamada, cilaan saarka iyo culuumta diinta Islaamka.
Xaflada oo ay soo agaasintay Xarunta Naafada ee Sanca waxaa ka soo qayb galay masuuliin sare oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, gudoomiyihii hore ee gobolka Benadir Madaale, Ambassador Maxamed Cali America iyo masuuliin kale. Sidoo kale xaflada waxaa ka soo qayb galay dad badan oo naafo ah oo isugu jiray kuwii oo soo dhamaystay tababarada iyo kuwo kale.
Gudomiyaha Hay’adda oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadkii shahaadooyinka la gudoosnsiiyay inay sii kordhiyaan Waxbarashadooda si ay u horumariyaan naftooda iyo qoysaskooda.