
Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan muhiim ah Hotelka Peace ee magaalada Muqdisho kula yeeshay Muhammad Jahangir oo ah u qeybsanaha Hay’adda Humanity Inclusion (HI) ee Koonfurta Soomaaliya. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay Hay’adda Naafada Qaranka iyo Humanity Inclusion, waxaana looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta arimaha naafada Soomaaliya, waana la isku afgartay dhammaan qodobbadii looga hadlay kulanka.
by admin | Apr 27, 2025 | nda news | 0 comments
