Hay’adda Naafada Qaranka ayaa maanta 30 kuraasta curyaamiinta oo Elektaroonig ah ugu qeybisay ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalkii 1977-dii ee ku jira Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Cali C/laahi Salaad oo ka mid ah Gudiga Sare ee Hay’adda Naafada Qaranka oo u mahad celiyay Hay’adda Qatar Charity oo qalabkan ugu deeqday dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, wuxuuna kula dar daarmay dadkii qalabkan la gudoonsiiyay inay u adeegsadaan horumarkooda oo ah ujeedadii loo siiyay.
by admin | Apr 30, 2025 | Uncategorized |