Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta qalabka naafadu isticmaasho sida Wheelchairs, Crutches iyo White Canes (Ulaha dadka aragga la) ugu qaybisay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan oo ay ku deeqday Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre ee Saudi Arabia. Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Abdul Jaamac (Dhagaweyne), ayaa uga mahadceliyay hay’adda King Salman, shacabka iyo Dowlada Saudi Arabia taageerada wax kuoolka ah ee ay u fidiyeen dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta kahadlay Safiirka Saudi Arabia Ambassador Ahmed Bin Mohammed, oo sheegay in dawlada Saudi Arabia ay siiwadi doonto taageerida ay siiso dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Madaxdii kale ee goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha wasaarada Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Mohamed Osman Nastaro iyo Lionel Laurens, Resident Representative UNDP Somalia oo faahfaahin ka bixiyay qaybaha uu ka koobanyahay mashruuca King Salman iyo saamaynta wanaagsan ee uu ku yeeshay dadka naafada ah. Sidoo kale UNDP ayaa maanta Hay’adda Naafada Qaranka ku wareejisay gaari Minivan ah oo uu ku rakibanyahay wiishka qaada dadka naafada ah ee gudaha gaariga lagu galiyo, gaarigan qayb ka ahaa kaalmada Hay’adda King Salman