Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da December 2024 ku qabatay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho xuska maalinta naafada Adduunka. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xamze Cabdi Bare, Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Mudane. Bashiir Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka (NDA), Mudane Maxamed Cabdul Jaamac. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Safiirada UK iyo Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Wakiilo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo Hay’adaha Naafada ee aan dowliga ahayn. Ugu danbayntiina waxa ay xafladaasi ku soo dhamaatay si guul ah.
Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da December 2024 ku qabatay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho xuska maalinta naafada Adduunka.
by admin | Dec 4, 2024 | Uncategorized | 0 comments