Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Shabakadda Awood siinta Naafada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Gargaarka Naafada ayaa siminaar soconayay muddo laba maalmood ah ku qabtay huteelka Maida ee Magaalada Muqdisho 22-23 July, 2024. Seminaarka waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday ururada naafada ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo gobolka Banadir, kaasi oo diiradda lagu saaray iskaashiga sidii loo horumar loo gaarsiin lahaa dadka naafada ah dhinacyada arimaha bulshada iyo dhaqaalaha.