Hay’adda Naafada Qaranka (NDA) oo kaashanaysa Dallada Naafada Jubbaland (JDON) ayaa maanta siminaar ugu qabtay ururada naafada iyo bulshada rayidka ah Hoteelka Madiina ee magaalada Kismaayo. Munaasabadda oo looga dooday sidii loo hormarin lahaa siyaasadda dowladda ee ku aaddan xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ayaa si guul ah ku soo dhamaatay.