June 12, 2024 Muqdisho; Hay’adda Naafada Qaranka (NDA), iyo Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay ee Galbeedka Aasiya (ESCWA) ayaa maanta aqoon-is-weydaarsi ku saabsan horumarinta Istaraatiijiyadda Naafada Qaranka ee muddada shanta sano ah ee 2024-2028 ku qabtay Airport Hotel ee magaalada Muqdisho.  Kulankan ayaa waxaa si wada jir ah u hogaaminayay gudoomiyaha NDA Mohamed Abdul Jama iyo Dr. Alaa Sebeh oo ah khabiir ku takhasusay waaxda Naafada ee Qaramada Midoobay ESCWA. Kulanka waxaa daah furay Marwo Aamina Xasan Cali Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ahna ku simaha Wasiirka, kasoo qaybgalayaasha kulanka lagu casuumay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif, Xildhibaan Golaha Shacabka JFS, Xaliimo Culusow, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Bulshada. Marwo Xamza Sheekh Xuseen oo ah la taliyaha sare ee Wasaaradda Haweenka iyo xubno ka tirsan guddiga NDA, agaasimayaasha waaxyaha naafada ee wasaaradaha waxbarashada, shaqada iyo arrimaha bulshada iyo caafimaadka agaasimaha waaxda naafada. Gobolka Banaadir, Madaxda Ururada Naafada Gobolka Banaadir iyo Wakiilada naafada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 Kulanka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa dhinacyada istiraatijiyadda, waxaana laga doodi doonaa su’aalo iyo jawaabo wax ku ool ah oo la xiriira istaraatiijiyadda naafada qaranka.