Hay’adda Naafada Qaranka ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiisay 25-qof oo dhameystay tababar muddo saddex bilood ah u socday oo ku saabsan luuqadda Farta Soomaaliga. Xaflada qalin jabinta ayaa lagu qabtay hotelka Maida ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdul Jaamac (Dhagaweyne) ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii dhameysatay waxbarashada, waxaana uu u mahadceliyay xarunta samafalka ee Boqor Salmaan oo maalgelisay tababarkan.












Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adaha NDA, UNDP iyo Xarunta Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan, kaasi oo ay ka faa’iideysteen dhalinyaro Soomaaliyeed isugu jirtay kuwo wax maqla iyo kuwo maqalka naafada ka ah.
Hay’adda Naafada Qaranka ayaa diyaarisay manhajka tababarka oo loogu talagalay in lagu horumariyo Farta Iinshaarta ee Soomaaliga.