Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdul Jaamac oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Hay’adda Qatar Charity oo qalabkan ku deeqday, waxuuna sheegay in qalabkan uu yahay mid muhiim u ah kor u qaadista hamiga dadka ka faa’ideystay, sida inay wax bartaan, shaqeystaan ​​ama ay guryahooda ka baxaan si ay nolol maalmeedkooda u soo saartaan.