Hay’adda Naafada Qaranka ayaa maanta 70 wheelchairs ugu qeybisay dad naafo ah xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho oo ay ku deeqday hay’adda samafalka ee Qatar Charity. Wheelchairs kaas oo isugu jiray 50 kuwa gacanta lagu riixo ah iyo 20 kuwa korontada ku shaqeeya ah. Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdul Jaamac ayaa uga mahadceliyay hay’adda Qatar Charity deeqsinimadeeda.