Hay’adda Naafada Qaranka ayaa Hotel Taleex ee magaalada Muqdisho ku qabatay shir muhiim ah oo ay ka qayb galeen Ururada Naafada, Ururada Rayidka ah iyo Wasaaradaha. Kulanka ayaa looga hadlay sidii arrimaha naafada loogu dari lahaa Qorshaha Isbadalka Qaran ee shanta sano ee soo socota 2025-2029.