Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed Mohamed Abdul Jama ayaa maanta Ka qaybgalay Daah-Furka Qorshaha Qaranka ee Isbadalka ( NTP( ee 2025 – 2029. The National Transformation Plan waxaa daahfuray Raisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo halkaas ka sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale fiican u yahay hannaanka cusub ee ay qaaddayso dawlada federalka Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.

