Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Cabdul Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka xuquuqul insaanka oo ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ku qabatay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah. Guddoomiya oo ka qayb galay dood cilmiyeed intii uu shirka joogay, ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira horumarinta dadka naafada ah ee Hay’adda Naafada Qaranka u qorshaysan 12-ka bilood ee soo socda, sida dhaqangelinta qodobka 7-aad ee Shirciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed, oo u ogolaanaya dadka naafada ah inay helaan matalaad siyaasadeed 5% dhammaan heerarka kala duwan ee golayaasha dowladda. Qodobka 10-aad ee sharcigan oo ay dawladda federaalku ballan qaadayso inay samaynayso sanduuqa horumarinta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, iyo qodobka 26-aad ee sharcigan oo ogolaanaya in 5% shaqooyinka dawladda iyo shaqooyinka gaarka loo leeyahay loo qoondaynayo dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.




