Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka ayaa ka qayb galaya shirwaynaha caalamiga ah ee naafada 2025 ee hadda ka socda Berlin, Germany. Shirkan oo saddexdii sanaba mar la qabto ayaa furmay maanta oo Arbaco ah 2-da April, wuxuuna socon doonaa muddo labo maalmood ah. Shirwaynaha caalamiga ah ee naafada 2025 waxaa si wadajir ah u martigeliyay Dowladda Jarmalka, Boqortooyada Jordan, iyo ururka Isbahaysiga Naafada ee Caalamka.

Mawduuca shirwaynaha caalamiga ah ee Naafada Aduunka ee 2025 waa dardar galinta ku darida naafada isbedalka caalamka.

Inta uu shirku socdo, Gudoomiyuhu waxa uu xidhiidh la yeelan doonaa dawladaha ka soo qayb galaya shirka iyo ururada caalamiga ah. Sidoo kale, Jibriil Afyare, Agaasimaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana khibrad dheer u leh isku xirka dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka qeyb galaya shirka isagoo wakiil ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda.