Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maanta ku qabatay hoteelka RA International ee magaalada Muqdisho Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta Naafada Adduunka ee 3-da December 2025. Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Ingiriiska, wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilo ka socday ururada naafada ee gobolka Banaadir. Hay’adda Naafada Qaranku waxay u mahadcelinaysaa UNDP oo gacan ka gaysatay xafladan.