17 Sebtember 2025, Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka (HNQ), Maxamed Cabdul Jaamac, oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddiga sare iyo shaqaalaha hay’adda, ayaa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Hay’adaha Dowladda ee saddexdii sano ee la soo dhaafay (2022–2025), kaas oo lagu qabtay Hotelka Royal ee magaalada Muqdisho.
Intii lagu guda jiray booqashada bandhigga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Dan-Qaran, Mudane Hamse Cabdi Barre, ayaa dhageystay Guddoomiyaha HNQ, oo soo bandhigay guulihii muhiimka ahaa ee hay’addu gaartay saddexdii sano ee la soo dhaafay, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee u baahan taageero si loo xaqiijiyo in dadka Soomaaliyeed ee naafada ahi ay si buuxda uga qayb galaan arimaha bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Hamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabatay Hay’adda Naafada Qaranka, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaarto dadaallada ay ugu adeegayso dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.











