Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-ka October 2024, Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed. Maxamed Cabdul Jaamac Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka ayaa uga mahad celiyay Golaha Aqalka Sare ansixinta sharcigan muhiimka ah ee lagu horumarinayo xuquuqda iyo adeega dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.