14-ka December 2022 Hay’adda Naafada Qaranka (NDA) ayaa maalinti labaad sii wada tababaro ay siinayso xog uruuriyeyaasha la soo xulay, taasoo qayb ka ah sahanka naafada qaranka ee NDA oo lagu qabtay hoteelka Beder ee magaalada Dhuusamareeb. Tababarkan ayaa ujeedadiisu tahay in loo diyaariyo xog uruuriyeyaasha si ay u fuliyaan xog-ururinta Naafada oo qayb ka ah sahanka Naafada qaranka.
Recent Posts
- Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Haweenka, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo gebagebeysay qaybinta agabka naafada oo ka koobnaa 550 oo isugu jiray 250 wheelchair, 150 usha dadka araga la’ iyo 150 ulaha socdka, oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Kismaayo.
- Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta qalabka naafadu isticmaasho sida Wheelchairs, Crutches iyo White Canes (Ulaha dadka aragga la) ugu qaybisay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho.
- Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Wasaarada Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maanta dad naafo ah ugu qaybiyay 100 wheelchairs Jaamacada Gaheyr ee degmada Hamar Jajab ee magaalada Mogadishu oo ay ku deeqday Qatar Charity.
- Hay’adda Naafada Qaranka ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiisay 25-qof oo dhameystay tababar muddo saddex bilood ah u socday
- Hay’adda Naafada Qaranka ayaa maanta 70 wheelchairs ugu qeybisay dad naafo ah